.::ISKUUL::. Hoyga Waxbarashada » Maqaalo

Ogeysiis: Forum Su’aalaha iyo Ciladaha lagu soo gudbin karo oo la furay
Waxaan dhammaan walaalaha lala socodsiinayaa in bogga Iskuul uu furay qayb cusub oo loogu tala galay in walaalaha Soomaaliyeed su’aalahooda iyo ciladaha ka haysta kumbiyuutarka looga caawiyo.

Qaybtan ama Forum-kan wuxuu qof walba u suurta galinayaa inuu su’aasha uu ka qabo aqoonta kumbiyuutarka kusoo bandhigo, ka dibna ay su’aasha uga soo jawaabi doonaan walaalaha aqoonta u leh IT-ga.

Saad Forum-ka u isticmaashid waxaad marka hore u baahan tahay inaad isdiiwaan galisid,Register,  ka dibna mar walba oo aad rabtid inaad su’aal ama cillad soo gudbisid, waa inaad Login samaysaa adoo adeegsanayo magacii iyo eraydhaafiyihii(Password) aad dooratay markaad isdiiwaan galinaysay, sidaasna aad su’aashii amaba cilladii kusoo gudbisid.

Qof walba oo su’aalaha Forum-ka lagu bandhigayo aqoon u leh waxaa laga codsanayaa inuu , isagoo/iyadoo mahadsan , ka jawaabo.

Khayr badan ayaan idiin dhaafay.

Ahmed Dalmar

Magacyada koorsooyinka iyo casharada
Bogga Iskuul.com waxaa hadda ku jira ilaa iyo laba koorso, hadduu rabi idmana waxaan soo wadnaa koorsooyin kale oo ay walaalaha Soomaaliyeed aad uga faa’iidaysan doonaan. Sida caadiga ah, casharada koorsada ku hoos jira waa taxane, oo waa in sida ay u kala horeeyaan loo daawadaa, si qofka mawduuca koorsada ay ka hadlayso uu u fahmo,waxaase jira koorsooyin ay casharada taxane ahayn isla markaana uu qofku siduu doono casharada u kala hormarin karo.Koorso walba waxaa ku hoos jira casharo badan , hadaba si walaalaha ay si fiicaan ugu fahmaan, ayaan halkan waxaan ku soo koobayaa magacyada iyo astaamaha koorsooyinka iyo casharada.

Haddaad u fiirsatay magacyada casharada bogga ku jira, waxaad arkaysaa inay laba saasaan u qoran yihiin oo kala ah:

“K121-C1 magaca casharka…….”

Xarafka K wuxuu u taagan yahay Koorso , 121 waa tirsiga koorsada , xarafka C wuxuu u taagan yahay Cashar, 1 waa tirsiga casharka.  Koorsooyinka iyo casharada noocaan oo kale ah waxaa muhiim ah in siday u kala horeeyaan loo qaato, haddii kale waxaad noqonaysaa qof koorso socotay dhaxda kala qabsaday.

“K122 magaca casharka……”

Xarafka K wuxuu u taagan yahay Koorso , 122 waa tirsiga koorsada, saad u jeedid casharada koorsadan tirsi malahan, taa waxay ka dhigan tahay in casharada koorsadan sidii la doono loo kala hormarin karo.

Haddaad rabto inaad magaca koorsada aragto, waxaad tagtaa qaybta Koorsooyin waxaadna dhinaca bidix ka arkaysaa xarfaha iyo tirooyinka aan kor kusoo sharaxnay iyo magaca koorsada oo dhamaystiran.

Khayr badan ayaan idiin dhaafay.

Ahmed Dalmar

Ahmiyadda Kumbiyuutarka
Ahmiyadda Kumbiyuutarka :

Ahmiyada Kumbiyuutarka uu u leeyahay bulsha waynta caalamka waa arin iska cad,  wuxuuna runtii wax wayn ka taray horumarkan wayn ee caalamku uu casrigan ku talaabsaday. Kumbiyuutarka wuxuu wax badan ka badalay isla markaana fududeeyay waxbarashadii, shaqadii, isgaarsiintii, caafimaadkii iyo qaybihii kalee nolosha.

Meesha markii hore uu Kumbiyuutarka ka ahaa qalab ay isticmaalaan shirkadaha waawayn oo kaliya, wuxuu hadda noqday qalab guri walba yaala(gaar ahaan wadamada horumaray) oo hawlo badan lagu qabto. Arimaha ugu waawayn ee Kumbiyuutarka uu soo kordhiyay waxaa ka mid ah:

-In uu kaydin karo xog iyo macluumaad aad u badan

-In hawlaha si fudud oo dhaqsa ah uu u qabanayo

-In si fudud xogta ku kaydsan loo maarayn karo

-In ilaa iyo xad la isku halayn karo(uusan cillad badnayn)

Afartaas arin, gaar ahaan kaydinta xog badan iyo fudeedka maaraynta xogtaas ayaa waxay Kumbiyuutarka ka dhigtay aalad aad loogu hanqal taago isla markaana sabab u noqotay horumarka maanta lagu talaabsaday.

Waxaa muhiim ah inaan fahamno in shirkadaha waawayn ee aduunka, gaar ahaan kuwa Kumbiyuutarka ku shaqada leh, hawsha ugu culus ay hayaan inay tahay nakhshadaynta, dayactirka iyo maaraynta nidaamyo horumarsan oo xogta lagu kaydiyo.

Erayga aadka loo edeegsado ee Information Technology(IT) – Tiknoloojiyada (farsamada) xogta ama macluumaadka – waxaa laga wadaa nakhshadaynta, dayactirka iyo maaraynta nidaamyo horumarsan oo xogta lagu kaydiyo.

Waxaa ahmiyadda Kumbiyuutarka sii xoojiyay in aduunkii uu isku soo dhawaanayo  oo sida hal maqaalo oo kale uu noqonayo, tusaala ahaan dhinaca isgaarsiinta, waxaa suurta gal ah in qof jooga aduunka geeskiisa kale aad si maqal iyo muuqaal ah ula xiriirtid adoo adeegsanayo Kumbiyuutarka, waliba lacag la’aan!. Waxaa hubaal ah in arintaa uu suurta galiyay adeegga Internet-ka oo runtii isbadal xoogan oo assaasi ah ku soo kordhiyay waxbarashada, isgaarsiinta, maaweelada iyo arima kaloo badan.

Hadaba si qofka uu farsamada Kumbiyuutarka ee ahmiyaddaa leh uga faa’iidaysto wuxuu u baahan yahay inuu marka hore barto waxa Kumbiyuutarka uu yahay , qaabdhismeedkiisa , siduu u shaqeeyo iyo sida loo adeegsado.

Aragtidayda, dadka Soomaaliyeed ma aysan helin fursad fiican oo ay Aqoonta Kumbiyuutarka ku bartaan, sababa badan awgood.

Waxaa sababahaa ka mid yaraanta buugaagta iyo qoraalada ku qoran af Soomaaliga oo sharxayo Kumbiyuutarka. Arintan waxay u baahan tahay in si gaar ah looga hadlo, dhawr qoraal ayaana kaga hadli doonaa hadduu rabi idmo,  kaliya waxaan rabaa inaan iraahdo in eryabixin la’aan ( eraybixin aan loo dhammayn!) iyo  Soomaalida oo reer aqris aan ahayn aan u arko sababaha keenay yaraanta qoraalo Kumbiyuutarka ka hadlayo oo af Soomaali ah.

Waxaa cad in dhalinta ku koray dibadda,gaar ahaan wadamada reer galbeedka, ay iyagu fursad u heleen in Kumbiyuutarka ay ku bartaan luqada dalalka ay joogaan, laakiin cidda

aan fursadda fiican helin ay yihiin dadka wayni ku yimaaday dibadda iyo kuwa wali dalkii hooyo ku sugan.

Ugu dambayntii,  waxaan rabaa in walaalaha Soomaaliyeed ee qoraalkan aqrin doono aan ku baraarujiyo ahmiyadda Kumbiyuutarka iyo aqoonta la xiriirto, taasoo sabab u noqon karta in wacyiga qofka Soomaaliyeed uu sare u kaco isla markaana keenta inaan dareenno ahmiyadda ay leedahay inaan umadaha kale wax la qaybsanno anagana aan wax isku ogalaano horumarkeenana aan ka wada shaqayno.

Khayr baan idiin dhaafay.

Waad Mahadsantihiin,

Axmed Dalmar

Ku soo dhawaada bogga ISKUUL
Ku soo dhawaada bogga ISKUUL ,

Boggan waxaa loogu talagalay in walaalaha Soomaaliyeed sare loogu qaado aqoontooda dhinaca Kumbiyuutarka. Waxaan si joogta ah bogga usoo galin doonnaa casharo xul ah oo Maqal iyo Muuqaal ah , isla markaana aan ku sharxayno barnaamijyo, adeegyo iyo guud ahaan Kumbiyuutarka.

Ugu horayn waxaan hadda ku bilaabaynaa ilaa iyo sadax koorso oo kala ah:

-Ammaanka iyo Difaaca Kumbiyuutarka:

Koorsdan waxaan ku sharxaynaa ammaanka iyo difaaca kumbiyuutarka , waxaan ka    hadlaynaa khatarta iyo halista qofka kaso wajihi karta dhinaca Internet-ka iyo sida uu isaga  difaaci karo. Waxaa lagama maarmaan ah in casharka u hareeyo ee koorsadan aad daawato saad casharada kale ula qabsato una fahamto.

- Sidee – Howto :

Casharada koorsadan waxay iyagu jawaab u noqon doonaan su’aasha ah Sidee? . Waxaan ku sharxaynaa sida barnaamij ama adeeg loo isticmaalo amaba kumbiyuutarka loo galiyo.Sidoo kale waxaa kusoo qaadanaynaa sida aalad ka mid ah aaladaha kumbiyuutarka ay u shaqayso.

- Waa Maxay :

Casharada koorsadan waxay iyagu jawaab u noqon doonaan su’aasha ah Waa Maxay?. Waxaan ku sharxaynaa, hadba waxaan casharkaas kaga hadlayno,  waxa ay yihiin iyo siday u   shaqeeyaan. Casharada koorsadan sida ugu dhaqsaha badan ayaan usoo galin doonnaa hadduu rabi idmo.

Mararka qaar, waxaan maqaalo iyo qoraalo ka diyaarinaynaa mawduucyo Kumbiyuutarka ku saabsan, qaybta maqaalada ayaadna ka aqrisan kartaa.

Casharada si joogta ah ayaa usoo galinaynaa, marka had iyo goor ka warqab bogga asxaabtaadana sii gaarsii.

Wixii su’aal ama talo ah, waxaad iigu soo hagaajin kartaa qaybta Contact.

Waxaan dhammaan idiin rajaynayaa ka faa’iidayso wanaagsan.

Axmad Dalmar