K101-C3 Qaabdhismeedka Kumbiyuutarka
3,028 views
Category: K101- Fahamka iyo Cilladbixinta Kumbiyuutarka
Haddii casharka uu ku cajibiyay, Fadlan la qaybso asxaabtaada adoo taabanaya Like iyo Share.
Category: K101- Fahamka iyo Cilladbixinta Kumbiyuutarka
Haddii casharka uu ku cajibiyay, Fadlan la qaybso asxaabtaada adoo taabanaya Like iyo Share.
Asalaama caleykum wa raxmatullaahi’walaal ilaah ha kaa abaal mariyo effortigan aad gelisey casharadaan’runti waa wax aad u faaiido badan cilmigii alle ku baray oo aad walaalahaaga soomaaliyeed meel kasta oo ey joogaan aad sidan ugu gudbineyso ‘waa wax lagu faano xitaa in aad luqadeena qiimaheeda siisay (walaahi waxaad tahay muwaadin run ah ‘walibana waxaad ku dhaqantey xadiithkii saxiixa ahaa ee “waxaad jeceshahay walaalkaa la jecloow”taasoo iyadna aad ajar uga heleyso allaha raxmaanka ah waayoo hore ayaad ujeclaatey in aad kumbiyuutar wax ka barato hadana waxaad bareysaa qaasatan walaalahaa soomaliyeed oo runtii aad ugu baahnaa oon anigu ka mid ahay.jizaakallaah tiro aan la koobi karininsha allaah.fadlan iisoo sheeg magacaaga iyo halka aadku nooshahay si aan kuula soo xiriro hadii alle idmo wixii su’aal ah oon fahmi waayo si aan kuu soo weydiin karo.
aniga waxaan kaala soo xiriiray mareykanka oon joogaa .mahadsanid.
Walaal xaliimo aad baad ugu mahadsantahay ereyadaada qiimaha leh, arintanna waa dadaal iyo isku day aan rajaynayo in walaalaha soomaaliyeed ay ka faa’iidaan.Walaal wixii su’aal ah oo aad casharada ka qabto waxaad kusoo hagaajisaa qaybta hoose ee casharka, wixii cillad guud ahna waxaad kusoo gusbisaa qaybta Forum-ka, wixii intaa dheer foomka Xiriir/Contact iigu soo gudbi.
Mahadsanid
ASCWR
Maansha Allah cilmigaga Allaha kuu barakeeyo ajarna ha kaa siiyo aamiin
Maashaa’allah, waa markii iigu horreysay muddo 21 sano ah oo aan dhagaysto qof soomaali ah oo ku hadlaaya af soomaali sax ah. Waxaan ola jeedaa khudbadaada malaha ereyada af ingiriiska lagu yiraahdo “filling” sida “ee” oo dad badan oo soomaali ah ay isticmaalaan. Sidoo kale Xaliimo iyo adiguba waxaad qorteen qoraal af soomaali ah oo sax ah. Waxaan la yaabay sida aad qaybaha kale duwan ee kombuutarka ugu sharraxday af soomaali sax ah oo aan lagu qaldin erayo shisheeye. waxaad kor u qaaday afka soomaaliga. Waad mahadsantahay.
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu marka walaal ilaahay hakaa abaal mariyo ajarkeeda waxaad soo fududaysay wax aad u muhiim ah waxaana ilaahay kaaga rajayn inuu inaad si wadid ilahayna ku fududeyo marka waxaan kaa codsan lahaa inaad warbixin iga siisid in la iigolyahay inaan Download garaysan karo sidaan in badan uga faa’idaysto sababto waxaan markasta helayn net marka speed sareeaya marka wixii jawaab ah iigu soo celi cinwaanka ah *************@hotmai.com waadna mahadsansahay
walaal bashiir casharada ka baxo bogga Iskuul waxaa loogu tala galay inay walaalaha ka faa’iidaystaan meel walba ay joogaan. Waxaa dhacdo marar badan in aan casharka dib u duubo oo aan wixii faahfaahin dheeraad ama sixitaan ah aan ku daro, marka mar walba waxaan wanaagsan in bogga laga dhax daawado casharada. Laakiin walaalaha sida aad sheegtay aan heli karin Internet joogto ah ama dhib kala kulma daawashada casharada, waxaa loo ogol yahay inay dagsadaan casharka oo ay kumbiyuutarkooda ku daawadaan. Shardiga kaliya ee ku xiran arinkaa waa inaan marnaba la ogalayn in muuqaladeena laga ganacsado oo lasii faafiyo.
Ka faa’iidaysi wanaagsan
Assalamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu
kaliya waxaan ku oranayaa walaal ama macalim jazaakalaahu kheyr Nabigeenu Mohamed csw wuxuu yiri (qofkaan dadka u mahadnaqin ALLAH uma mahadnaqo).
keep going on bro.
wabilahi towfiiq
as wr wb jisaakalaah wajisaa wallaalkeey qaaliga ah waxaa kaa haray sadaqatu jaariya alaha kuugu an faco cilmigaaga. wali maan bilaabin maantaan helay oo iid ah aadbaana ugu baahbnaa haduu alle idmo su aalaheega waaan soo dhiiban doonaa. wallaal halkaa kasii wad jsk as wr