Ahmiyadda Kumbiyuutarka
Ahmiyadda Kumbiyuutarka :
Ahmiyada Kumbiyuutarka uu u leeyahay bulsha waynta caalamka waa arin iska cad, wuxuuna runtii wax wayn ka taray horumarkan wayn ee caalamku uu casrigan ku talaabsaday. Kumbiyuutarka wuxuu wax badan ka badalay isla markaana fududeeyay waxbarashadii, shaqadii, isgaarsiintii, caafimaadkii iyo qaybihii kalee nolosha.
Meesha markii hore uu Kumbiyuutarka ka ahaa qalab ay isticmaalaan shirkadaha waawayn oo kaliya, wuxuu hadda noqday qalab guri walba yaala(gaar ahaan wadamada horumaray) oo hawlo badan lagu qabto. Arimaha ugu waawayn ee Kumbiyuutarka uu soo kordhiyay waxaa ka mid ah:
-In uu kaydin karo xog iyo macluumaad aad u badan
-In hawlaha si fudud oo dhaqsa ah uu u qabanayo
-In si fudud xogta ku kaydsan loo maarayn karo
-In ilaa iyo xad la isku halayn karo(uusan cillad badnayn)
Afartaas arin, gaar ahaan kaydinta xog badan iyo fudeedka maaraynta xogtaas ayaa waxay Kumbiyuutarka ka dhigtay aalad aad loogu hanqal taago isla markaana sabab u noqotay horumarka maanta lagu talaabsaday.
Waxaa muhiim ah inaan fahamno in shirkadaha waawayn ee aduunka, gaar ahaan kuwa Kumbiyuutarka ku shaqada leh, hawsha ugu culus ay hayaan inay tahay nakhshadaynta, dayactirka iyo maaraynta nidaamyo horumarsan oo xogta lagu kaydiyo.
Erayga aadka loo edeegsado ee Information Technology(IT) – Tiknoloojiyada (farsamada) xogta ama macluumaadka – waxaa laga wadaa nakhshadaynta, dayactirka iyo maaraynta nidaamyo horumarsan oo xogta lagu kaydiyo.
Waxaa ahmiyadda Kumbiyuutarka sii xoojiyay in aduunkii uu isku soo dhawaanayo oo sida hal maqaalo oo kale uu noqonayo, tusaala ahaan dhinaca isgaarsiinta, waxaa suurta gal ah in qof jooga aduunka geeskiisa kale aad si maqal iyo muuqaal ah ula xiriirtid adoo adeegsanayo Kumbiyuutarka, waliba lacag la’aan!. Waxaa hubaal ah in arintaa uu suurta galiyay adeegga Internet-ka oo runtii isbadal xoogan oo assaasi ah ku soo kordhiyay waxbarashada, isgaarsiinta, maaweelada iyo arima kaloo badan.
Hadaba si qofka uu farsamada Kumbiyuutarka ee ahmiyaddaa leh uga faa’iidaysto wuxuu u baahan yahay inuu marka hore barto waxa Kumbiyuutarka uu yahay , qaabdhismeedkiisa , siduu u shaqeeyo iyo sida loo adeegsado.
Aragtidayda, dadka Soomaaliyeed ma aysan helin fursad fiican oo ay Aqoonta Kumbiyuutarka ku bartaan, sababa badan awgood.
Waxaa sababahaa ka mid yaraanta buugaagta iyo qoraalada ku qoran af Soomaaliga oo sharxayo Kumbiyuutarka. Arintan waxay u baahan tahay in si gaar ah looga hadlo, dhawr qoraal ayaana kaga hadli doonaa hadduu rabi idmo, kaliya waxaan rabaa inaan iraahdo in eryabixin la’aan ( eraybixin aan loo dhammayn!) iyo Soomaalida oo reer aqris aan ahayn aan u arko sababaha keenay yaraanta qoraalo Kumbiyuutarka ka hadlayo oo af Soomaali ah.
Waxaa cad in dhalinta ku koray dibadda,gaar ahaan wadamada reer galbeedka, ay iyagu fursad u heleen in Kumbiyuutarka ay ku bartaan luqada dalalka ay joogaan, laakiin cidda
aan fursadda fiican helin ay yihiin dadka wayni ku yimaaday dibadda iyo kuwa wali dalkii hooyo ku sugan.
Ugu dambayntii, waxaan rabaa in walaalaha Soomaaliyeed ee qoraalkan aqrin doono aan ku baraarujiyo ahmiyadda Kumbiyuutarka iyo aqoonta la xiriirto, taasoo sabab u noqon karta in wacyiga qofka Soomaaliyeed uu sare u kaco isla markaana keenta inaan dareenno ahmiyadda ay leedahay inaan umadaha kale wax la qaybsanno anagana aan wax isku ogalaano horumarkeenana aan ka wada shaqayno.
Khayr baan idiin dhaafay.
Waad Mahadsantihiin,
Axmed Dalmar




