Ku soo dhawaada bogga ISKUUL
Ku soo dhawaada bogga ISKUUL ,
Boggan waxaa loogu talagalay in walaalaha Soomaaliyeed sare loogu qaado aqoontooda dhinaca Kumbiyuutarka. Waxaan si joogta ah bogga usoo galin doonnaa casharo xul ah oo Maqal iyo Muuqaal ah , isla markaana aan ku sharxayno barnaamijyo, adeegyo iyo guud ahaan Kumbiyuutarka.
Ugu horayn waxaan hadda ku bilaabaynaa ilaa iyo sadax koorso oo kala ah:
-Ammaanka iyo Difaaca Kumbiyuutarka:
Koorsdan waxaan ku sharxaynaa ammaanka iyo difaaca kumbiyuutarka , waxaan ka hadlaynaa khatarta iyo halista qofka kaso wajihi karta dhinaca Internet-ka iyo sida uu isaga difaaci karo. Waxaa lagama maarmaan ah in casharka u hareeyo ee koorsadan aad daawato saad casharada kale ula qabsato una fahamto.
- Sidee – Howto :
Casharada koorsadan waxay iyagu jawaab u noqon doonaan su’aasha ah Sidee? . Waxaan ku sharxaynaa sida barnaamij ama adeeg loo isticmaalo amaba kumbiyuutarka loo galiyo.Sidoo kale waxaa kusoo qaadanaynaa sida aalad ka mid ah aaladaha kumbiyuutarka ay u shaqayso.
- Waa Maxay :
Casharada koorsadan waxay iyagu jawaab u noqon doonaan su’aasha ah Waa Maxay?. Waxaan ku sharxaynaa, hadba waxaan casharkaas kaga hadlayno, waxa ay yihiin iyo siday u shaqeeyaan. Casharada koorsadan sida ugu dhaqsaha badan ayaan usoo galin doonnaa hadduu rabi idmo.
Mararka qaar, waxaan maqaalo iyo qoraalo ka diyaarinaynaa mawduucyo Kumbiyuutarka ku saabsan, qaybta maqaalada ayaadna ka aqrisan kartaa.
Casharada si joogta ah ayaa usoo galinaynaa, marka had iyo goor ka warqab bogga asxaabtaadana sii gaarsii.
Wixii su’aal ama talo ah, waxaad iigu soo hagaajin kartaa qaybta Contact.
Waxaan dhammaan idiin rajaynayaa ka faa’iidayso wanaagsan.
Axmad Dalmar




