.::ISKUUL::. Hoyga Waxbarashada
  •  
  • Home
  • Koorsooyin
  • Maqaalo
  • Contact
  • Forum

Ogeysiis: Forum Su’aalaha iyo Ciladaha lagu soo gudbin karo oo la furay

Waxaan dhammaan walaalaha lala socodsiinayaa in bogga Iskuul uu furay qayb cusub oo loogu tala galay in walaalaha Soomaaliyeed su’aalahooda iyo ciladaha ka haysta kumbiyuutarka looga caawiyo.

Qaybtan ama Forum-kan wuxuu qof walba u suurta galinayaa inuu su’aasha uu ka qabo aqoonta kumbiyuutarka kusoo bandhigo, ka dibna ay su’aasha uga soo jawaabi doonaan walaalaha aqoonta u leh IT-ga.

Saad Forum-ka u isticmaashid waxaad marka hore u baahan tahay inaad isdiiwaan galisid,Register,  ka dibna mar walba oo aad rabtid inaad su’aal ama cillad soo gudbisid, waa inaad Login samaysaa adoo adeegsanayo magacii iyo eraydhaafiyihii(Password) aad dooratay markaad isdiiwaan galinaysay, sidaasna aad su’aashii amaba cilladii kusoo gudbisid.

Qof walba oo su’aalaha Forum-ka lagu bandhigayo aqoon u leh waxaa laga codsanayaa inuu , isagoo/iyadoo mahadsan , ka jawaabo.

Khayr badan ayaan idiin dhaafay.

Ahmed Dalmar

Share
770 views

Published: Friday, March 11th, 2011

Category: Maqaalo

© 2010 Iskuul.com
RSSTop